Dad ka badan 3 milyan oo caalamka ugu dhintay Covid-19

0
261

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tirada dadka dunida oo dhan ugu dhintay cudurka Covid-19 ayaa kor u dhaaftay saddex milyan oo qof, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins.

Warkan ayaa ku soo beegmaya maalin uun kadib markii madaxa hay’adda caafimaadka adduunka uu ka digay in caalamka uu “wajahayo sare u kac dhanka faafidda cudurka ah”.

Dalka Hindiya oo uu ku soo rogaal celiyay xanuunka ayaa Sabtidii oo qura diiwaangeliyay 230,000 oo kiisas cusub ah.

Ku dhawaad 140 milyan oo kiis ayaa la diiwaangeliyay tan iyo markii uu xanuunka bilowday.
Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ah madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ayaa Jimcihii sheegay in kiisaska iyo dadka u dhimanaya cudurka ay gaareen heer walaac leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here