Dad cudurka Furuq-Daanyeerka ugu dhintay meel ka baxsan Afrika

0
175

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dalalka Spain iyo Brazil ayaa ku dhawaaqay dadki ugu horreeyey oo uga dhintay cudurka Furuqa- Daanyeerka taasoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay toddobaadkii hore ku dhawaaqay in cudurkan uu yahay xaalad degdeg ah oo heer caalami ah.

Toddobo qof ayaa hadda la ogyahay inay u dhinteen cudurka Furuqa-Daanyeerka.

Dadka cudurkan ugu geeriyooday dalalka Spain Brazil ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee cudurkan ugu geeriyooda meel ka baxsan qaaradda Afrika.

Astaamaha ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Furuqa-Daanyeerka waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qarqar iyo daal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here