Dad badan oo laga cabsi qabo in ay ku xanniban yihiin dhismo ku dumay dalka Iiraan

0
271

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay halka tiro intaa ka badan laga cabsi qaba inay ku xanniban yihiin dhismo ka kooban 10 dabaq oo ku dumay magaalada Abadan ee koonfurta galbeed ee dalka Iiraan sida ay sheegeen mas’uuliyiin.

Madaxa deegaanka ee hay’adda bisha Cas ayaa sheegay in 32 qof laga soo badbaadiyay burburka dhismaha oo ay ku hoos jireen.

Waxaa uu intaasi ku daray in ilaa hadda 27 ka mid ah loo qaaday xarumaha caafimaadka.
Qaybo badan oo ka mid ah dhismaha ganacsiga ee Metropol oo ku yaalla jidka ugu mashquulka badan ee bartamaha magaalada ayaa burburay.

Saraakiil la hadlay teleefishinka dowladda Iiraan ayaa sheegay in ilaa 80 qof laga yaabo inay weli ku xayiran yihiin halkaasi.

Diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ee helicopter, gaadiid iyo shaqaale ayaa laga soo ururiyay gobolo badan oo dalkasi ah si ay gacan uga gaystaan gurmadka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here