Dad badan oo cudurka karoona feyris ugu geeriyooday dalka UK

0
281

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tirada guud ee dadka u geeriyoodey cudurka saf mareenka ah ee coronavirus ee dalkaan Britain ayaa kor u dhaaftey 100.000 (boqol kun) oo qof.

Goor dhoweeyd Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson waxaa uu xaqiijiyey in 24kii saac ee na dhaaftey ay corona u geeriyoodeen 1,631 qof, taasoo ka dhigtey lambarka geerida 100,162 (boqol kun, boqol lixdan iyo labo) qof.
Britain ayaa noqoneeysa dalkii koowaad ee qaaradda Yurub ah oo tirada dadka uga geeriyoodey coronavirus ay ka sara martey 100.000, (boqol kun).

Caalamkana ka noqoneeysa waddankii shanaad, iyadoo dalalka Mareeykanka, Brazil, India iyo Mexico ay lambarkaas horey u sii dhaafeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here