Dabbaal Degga Maalinta Labaad Ee Ciidda oo Laga Dareemayo Dalka

0
320

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Maanta oo ah maalinta labaad ee ciidul Adxaa waxaa si weyn looga ciidayaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka,waxaana magaalooyinka dalka ka socdo munaasabado waa weyn oo loogu dabaal degayo ciidda.

Magaalooyinka,Jowhar,Kismaayo,Baydhabo,Garowe,Dhuusamareeb iyo Garbahaarey ayaa saaka si weyn looga dareemayaa dabaal degga maalinta labaad ee ciidul Adxa.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa la soo buux dhaafiyay goobaha la iskugu yimaado sidda xeebta Liido,Xeebta Jasiira,Daljirka Dahsoon,Beerta Nabadda iyo beerta Daaru-salaam waxaana dadku ay isugu marxabeynayaan maalinta labaad ee ciidda.

Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay ayaa maanta maalintii 2aad si weyn loogu ciiday, waxaana meelo badan oo ka mid ah magaalada ka socotay qeybinta hilibka Uduxyada.

Ciidda Carafo ama ciidul Adxa ayaa sannadkaan ku soo aadday iyadoo caalamka uu kala xirxiranyahay oo cudurka Covid-19 uu dalka ka jiro balse waxaa soo yaraanaya tirada dadka cudurka laga helo ee dalka jooga, sida ka muuqato warbixin maalmeedka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here