Dab Qasaaro Dhimasho Sedax Qof ah Geystay Oo Ka Dhacay Xaafad Katirsan Magalada Baydhabo.

0
350

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Sedax qof oo kala ah abbe cumar iyo laba caruur uu dhalay ayaa caawa waxaa ay ku dhinteen guri ay ka deganayeen Degmada Baydhabo oo ku yaasha wadada aada xaafada holwadaag gaar ahaan wadada onodka.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka xaafada degan ayaa waxay shegeen in guriga dabka ka kacay ama ay deganayeen dadka ku dhinteen ayaa waxaa uu ahaa mid ka dhisan jeengado iyo ood.

Dabkaan ayaa sida la sheegay waxaa dhaliyay shidaal ku jiray guriga oo dab qabsaday kadibna ay ku naf wayeen alle ha u naxriistee abbe cumar iyo laba caruur uu asiga dhalay.

Markii dambe ayaa waxaa dabka damiyeen dadka xaafada lakiin waxaa lahelay meydka sedaxdaan qof oo ay gubteen.

Ilaa iyo hada majiraan masuulin katirsan maamulka degmada baydhabo oo ay gareen halka uu dabka ka kacay.

Murxunka iyo Caruurtii la geeriyootay ayaa saaka aroortii hore lagu aasay Qabuuraha magaalada Baydhabo, waxaana aaskiisa ka qeyb qaateen dadka xaafada degan iyo Arday badan oo jaamacada sanadkaan ila dhameeyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here