Dab khasaare geystay oo ka kacay Isbitaal ku yaalla dalka Ruushka

0
292

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Isbitaal ku yaalla dalka Raashiya oo lagu xannaaneyo dadka da,da ah ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 10 qof, kaddib markii uu dab ka kacay sida ay wariyeen war baahinta gudaha ee dalkaas.

Sidoo kale dabkan ka kacay xaruuntaan caafimaad waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 9 ka mid ah dadkii ku jirey isbitalkaas,sida ay tilmaamayaan kooxda gurmadka deg degga ah ee Wasaaradda Caafimaadka .

Dabkaan ayaa waxaa uu ka kacay magaalada (Krasnogorsk) oo hoos timaada magaalada mooskow, waxaa uuna socday muddo saacad ah, wuxuuna markiisii hore uu ka billowdey qol ku yaalay qaybta dhexe ee isbitaalka.

Wararka qaar ayaa sheegeya in tirada daddka dhawaca ah ay gaareyaan 37 qof oo sideed kamid ah ay yihiin shaqaalaha dhismaha, waxaa ayna saraakiisha dowladdu ay sheegeyaan in ay baaritaanno ku sameyn donaan waxa sababey dabkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here