Daadad ku dhuftay magaalada Jakarta ee dalka Indonesia.

0
311

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Hawlaha samatabixinta ayaa ka socda caasimada Indonesia ee Jakarta iyadoo daadad xoog leh ay ka socdaan dhowr meelood kuwaasoo ku qasbay in ka badan 1000 qof inay ka qaxaan guryahooda.

Qaar ka mid ah 1,380 dadka degan Jakarta ayaa laga daad gureeyay Sabtida maanta  aagagga koonfurta iyo bariga magaalada, oo ay ku nool yihiin 10 milyan oo qof, ka dib markii heerka daadadku ay kor u kaceen 1.8 mitir

Guddoomiyaha magaalada Jakarta Anies Baswedan  ayaa sheegay in roobabka ay istaageen basle wali biyaha ka imaanaya meelaha kale ay sameeyeen magaalada.

Anies Baswedan  ayaaa tilmaamay in la sameeyay goobo ay degan dadka ka barakacay dadaadka ku dhuftay magaalada Jakarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here