Cudurka karoona feyris oo markale ku faafay dalka Mareykanka

0
333

Baydhabo(Radio Arlaadi)–Khabiirka ugu sarreeya cudurrada faafa ee waddanka Mareykanka, Anthony Fauci, ayaa waxa uu ka digay in haddii Mareykanku uusan maareyn faafitaanka fayraska korona, uu heerka uu cudurkaasi ku socdo uu maalintii gaari karo 100 kun oo xaaladood.

Dr Anthony Fauci ayaa waxa uu u sheegay Aqalka Senate Mareykanka in uusan la yaabi doonin haddii xaaladaha cusub ee cudurkaasi ay maalintiiba gaaraan 100 kun. Tiradii ugu dambeysay ayaa ahayd 45,000 oo qof oo hal maalin laga helo cudurkaasi.

Hadalkan ayaa imanaya xilli musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga ee dalkaasi, Joe Biden, uu si kulul Donald Trump ugu weerraray habka uu ula tacaalayo fayraska safmarka ah ee korona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here