Cudurka karoona feyris oo fara ba’an ku haya dalka kenya

0
259

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ururka dhakhaatiirta Kenya ayaa sheegay in dalkooda ay buuxsameen dhammaan sariiraha loogu talagalay dadka ay xaaladdoodu liidato ee ICU loo yaqaan.
Sababta ay ku sheegeen in cudurka Covid-19 uu si ba’an ugu faafay Kenya.

Dadka uu soo ritay cudurka ayaa waxaa kamid ah hawlwadeennada caafimaadka.
Tirada rasmiga ah ee dadka Covid-19 uga dhintay Kenya ayaa hadda ah 2,000 oo qof.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in noocyada cudurka ee lagu arkay

UK iyo Koonfur Afrika ay sabab u yihiin faafidda cusub ee cudurka.
Horraantii bishan ayaa Kenya waxa ay bilowday in dadka cudurka u nugul ay ka tallaasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here