Cudurka karoona feyris oo abuuray xasarad dhanka kalkaaliyayaasha caalamka

0
257

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Warbixin cusub ayaa ka digaysa in caalamka uu wajahayo xasarad dhanka kalkaaliyayaasha caalamka ah, taasoo uga sii dari karta hannaanka caafimaadka adduunka ee uu saameynta ba’an ku yeeshay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Warbixinta oo ay wadajir u soo saareen Golaha Caalamiga ah ee Kalkaaliyayaasha, iyo Xarunta Caalamiga ah ee Socdaalka Kalkaaliyayaasha ayaa lagu sheegay in xasarada ay soo billaabatay ka hor inta uusan dillaacin xanuunka, balse uu uga sii daray.

Waxa ay labada urur ku baaqeen in si degdeg ah wax looga qabto arrimaha ay kamidka yihiin dhaqaalo yarida haysata hawlwadeennadaas caafimaadka, in tiradooda la badiyo iyo in lala tacaalo saacadaha badan ee ay shaqeeyaan.

Xanuunka safmarka ah ee Covid-19 ayaa culays xooggan saaray guud ahaan hannaanka caafimaadka ee adduunka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here