Cudurka Furuqa Daanyeerka oo ku faafaya dunida iyo walaac laga muujiyay.

0
212

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xanuunka furuqa daanyeerka ee si aan horay loo arag uga dillaacay tobanaan waddan.

Biden wuxuu sheegay in arrinta sida weyn looga walaacsan qaabka uu u fidayo cudurka isla markaana ku tilmaamay ‘Walaaca ugu weyn’ ee haatan dunida ka taagan.

Astaamaha ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox ama furuqa daanyeerka waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qarqar iyo daal.

Ka hor inta aanu u duulin dalka Japan, ayaa Biden waxa uu sheegay in dalkiisa uu ku dadaalayo sidii dawo loogu heli lahaa cudurka.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in weli baarayso sababta furuqa daanyeerka oo sida caadiga ah ku dhaca xayawaanka uu hadda aadanaha ugu faafayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here