Cudur aan la aqoonin oo saameeyay diblomaasiyiinta Maraykanka ee Austria

0
223

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dowladda Mareykanka ayaa baaritaan ku wadda cudur saameyn weyn ku yeeshay diblomaasiyiintooda iyo shaqaalaha kale ee ku sugan safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Vienna ee dalka Austria.

In ka badan 20 xubnood oo ka tirsan safaaradda ayaa lagu arkay calaamadaha cudur u eg midka loo yaqaanno Havana Syndrome – oo ah xanuun aah ilaa hadda la garanaynin – kuwaasoo dhammaantood xanuunsaday laga soo billaabo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Biden bishii January.

Cudurkan wali lama sharrixin, laakiin seynisyahannada Mareykanka ayaa sheegay inay u badan tahay inuu yahay xanuun ka dhashay kuleylka ay dhaliso korontada.
Markii ugu horraysay waxaa lagu arkay waddanka Cuba intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2017-kii.

Diblomaasiyiinta waddamada Mareykanka iyo Canada ee ku sugan magaalada Havana ayaa ka cawday xanuunkaas oo calaamadihiisa qaar ka mid ah lagu sheegay madax wareer, dhac dhac, maqalka oo luma iyo cabsi xad dhaaf ah.

Mareykanka ayaa Cuba ku eedeeyay inay diblomaasiyiintooda “ku weerareen waxyaabaha dhaliyay xanuunka”, walow ay mas’uuliyiinta dalkaas beeniyeen eedeyntaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here