Cristiano Ronaldo Oo Markii Ugu Horaysay Tababar La Qaatay Kooxda Man United.

0
457

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horaysay tababar la qaatay kooxdiisa kadib markii uu ku soo biiray kooxda intii uu furnaa suuqii xagaaga.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay kooxda maalintii ugu dambaysay suuqa Xagaaga waxana uu ka soo baxay Karantiil si uu isugu diyaariyo kulamada premier League.

Cristiano ayaa la kulmay Tababare Solskjaer kadib markii uu yimid garoonka tababarka iyaga oo markii ugu horaysay kulmay kadib markii ay horay isaga soo garab ciyaareen Old Trafford.

Xiddiga reer Portugal ee Ronlado ayaa sidoo kale la kulmay qayb ka mid xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee aan aadin waajibaadka xulalkooda isaga oo kala qayb qaatay tababar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here