Cristiano Ronaldo Oo Mar Kale Ku Bilowday Kaydka Portugal Kulanka Morocco.

0
181

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga xulka qaranka portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa mar kale ku bilowday kaydka xulka qarankiisa kulanka ay la ciyaari doonaan xulka Morocco kulanka 8 dhamaadka koobka adduunka.

Waa kulankii 2-aad oo xidhiidh ah oo uu Cristiano Ronaldo ku bilowday kaydka xulka qaranka Portugal kadib markii uu kulankii hore ku bilowday.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay badal ku soo galay kulankii wareega 16-ka koobka adduunka waxa uu haatan ku bilowday kaydka xulkiisa.

Sidoo kale xiddiga Man City ee Joao Cancelo ayaa ku bilowday kaydka xulka qarankiisa inkasta oo uu kulanku muhiim u yahay xulka Portugal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here