Cristiano Ronaldo Oo Afka Furtay Kadib Markii Uu Ku Biiray Man United.

0
275

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddiga cusub ee kooxda Man United Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ka tagistiisa kooxda Juventus iyo ku laabashadiisa kooxda Man United.

Cristiano Ronaldo ayaa shalay isaga tagay kooxda Juventus isaga oo ku laabtay Old Trafford oo uu ku qaatay 6 xilli ciyaareed oo cajiib ah.

Ronaldo ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ugu ciyaari doono Red Devils labada xilli ciyaareed ee soo socda.

Kadib markii la xaqiijiyay heshiiska Cristiano Ronaldo ayaa fariin ku soo qoray bogiisa Instagram-ka isaga oo ka hadlay wax walba oo dhacay.

“Maanta waxa aan ka tagayaa koox cajiib ah, kooxda ugu weyn Italy iyo shaki la’aan mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn yurub, waxa aan siiyay naftayda iyo qalbigayga Juventus mar walba waan jeclaan doonaa maaalada Turin ilaa maalinta ugu dambaysa noloshayda”.

“Taageerayaasha Juventus mar walba way i Ixtiraamayeen, waxa aan Ixtiraamkooda uu badalay in aan garoonka iyaga dartood ugu dagaalamo kulan kasta xilli ciyaareed kasta tartan kasta”.

“Ugu dambayn waxa aan dhamaanteen dib u eegi doonaa waxa fiican ee aan wada gaadhnay, ma ahayn wixii aan doonaynay laakiin waxa aan qornay sheeko qurux badan”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here