COVID19 oo Fara Kulul Ku Haya Arjantiin

0
313

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dalka Arjantiin ayaa xaalku ku sii adkaanayaa kaddib markii ay cirka isku shareertay tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID19.

24-kii saac ee u dambeeyay ayaa dalkaasi laga diiwaan geliyay 3,604 kiis oo cusub taasi oo wadarta dadka uu xanuunka soo ritay ka dhigeysa 80,000 oo qof.

Dadka xanuunka u geeriyooday ayaa Iyana tiradooda lagu sheegay in ay gaadheyso 1,694 qof.

Arjantiin ayaa tan iyo bishii Maarso ee sanadkan dadka dalkeeda ku soo rogtay xakamayn dhanka dhaqdhaqaaqa ah iyada oo u oggolaatay kaliya in ay dibadda u soo baxaan marka ay soo iibsanyaan waxyaabaha asaasiga u ah nolosha iyo marka ay shaqooyinka u socdaan oo kaliya.

Sida lagu xusay tirakoobyada Worldometers dadka uu soo ritay xanuunka COVID19 ee ku nool dacallada dunida ayaa saaka oo khamiis ah kor u dhaafeysa 12 milyan oo qof halka ay u geeriyoodeen 552,000 oo kale waxaana ka bogsaday dad ka badan 7 milyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here