Covid-19 oo Haleelay 3.4 Milyan oo Qof oo Afrikaan ah- Africa CDC

0
409

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xarunta la dagaallanka iyo ka hortagga xanuunnada qaaradda Afrika ee “Africa CDC” ayaa sheegtay in dadka qaba xanuunka Covid-19 ee qaaradda ay tiradoodu gaadhay 3,393,591 oo qof.

Sida ku cad qoraal uu soo saaray xafiiska dadka u geeriyooday xanuunka Korona ee qaaradda Afrika ayaa iyana gaadhay 83,901 oo qof.

Xarunta ayaa sheegtay in wadarta dadka ka bogsaday xanuunka ee Afrika ay guud ahaan dhan yihiin 2,854,275 oo qof.

Dalka Koofur Afrika ayuu xafiisku sheegay in uu yahay dalka ugu badan ee uu khasaaruhu soo gaarsiiyay xanuunka Korona waxaana xiga gobolka waqooyiga Afrika oo isagana xaalado badan laga diiwaan-gelyay.

Dalalka Koofur Afrika, Morocco, Tunisia, Masar iyo Itoobiya ayaa ku kala jiran shanta kaalmood ee ugu horreeya dalalka uu saamaynta weyn ku yeesha xanuunka ee qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here