Ciyaaryahanka Arsenal ugu da’ada yar ee abid ka dheela horyaalka Ingiriiska Premier League-a.

0
153

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wiil shan iyo toban sano jir ah ayaa noqday ciyaaryahanka ugu da’ada yar ee abid ka ciyaara horyaalka Ingiriiska ee Premier League-a.

Ethan Nwaneri ayaa laga soo kiciyay keydka daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulankii ay Arsenal 3-0 ugu badisay kooxda Brentford.

Taageerayaasha Arsenal ee ku sugnaa garoonka ayaa soo dhaweeyay ciyaaryahankaasi iyagoo ku dhawaaqayay ereyo kala duwan.

Wuxuu noqonayaa ciyaaryahankii ugu horeeyay oo ka yar 16 sano jir oo ka ciyaara horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here