Ciyaartoyda Kooxaha Dekeddaha iyo Gaadiidka Oo Soo gaaray Baydhabo

0
101

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Naadiyaasha Kubadda Cagta Dekeddaha iyo Gaadiidka ayaa maanta soogaarey Magaalada Baydhabo oo taariiqda markii ugu horaysay lagu ciyaarayo koobka Super Cap-ka Soomaaliya 2023.

Gudoomiyaha Ururka Kubada Cagta Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Ahmed Doolar ayaa Garoonka ku soodhoweeyey Ciyaartoyda iyo Maamulka Labadaan Koox .

Garoonka Kubadda Cagta ee Dhaqtar Ayuub Stadium ayaa lagu ciyaari doonaa kullanka xiisaha badan ee labada kooxood.

Koobka Super Cap-ka Soomaaliya, waxaa ciyaara sanad walba kooxda kusoo guuleysata horyaalka dalka iyo kooxda kusoo guuleysata koobka labaad ee dalka General Daa’uud.

Naadiga Gaadiidka ayaa sanadkii hore kusoo guuleysatay horyaalka Kubadda ee dalka Somali Premier League, halka naadiga Gaadiidka sanadkaan ay ku guuleystay Koobka General Daa’uud.

Magaalada Baydhabo Jannaay ayaa markii ugu horreysay taariikhda kubbadda Cagta dalka marti gelin doonta koobka ugu sareeya Soomaaliya ee Supper Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here