Ciyaaraha Olombikada oo maanta ka furmaya Magaalada Paris

0
40

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Magaalada Paris waxaa maanta si rasmi ah uga furmaya ciyaaraha caalamiga ee Olompikada Caalamka taas oo si weyn looga dareemayo dariiqyada magaalada. Xaflada ka dhacday Madxafka Louvre.

Madaxeyne Makron waxaa uu marti galiyey wafuuda iyo guddiga olympicada caalamiga ah isaga oo xusay in ciyaarahu yihiin waxyaalaha soo afjara kala qaybsanaanta bulshada u dhexeysa.

Ciyaaryahanno kala duwan oo meteli doona noocyada kala duwan ee tartanka, ayaa isgu yimi magaaladan. Waxa sida oo kale maalmihii u danbeeyey buux dhaafiyey Paris, dad dalxiisayaal iyo daawadayaal ka kooban, kuwaas oo raba in ay markhaati ka ahaadaan tartankan Caalamiga ah.

Ciidammo kala duwan ayaana daaddan waddooyinka Magaalada Paris kuwaas oo isku deyeya in ay sugaan amniga kumannaanka qof ee isu yimi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here