Cilmi baarayaal ogaaday in dadka uu ku dhacay Covid-19 ay u badan tahay inuu ku dhaco xanuunka maskaxda.

0
229

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Cilmi baarayaal ku sugan dalka Britain, kuwaas oo baaray diiwaanka ku dhawaad rubac malyuun bukaano ah oo Mareykanka ku nool, ayaa waxa ay ogaadeen in dadka uu ku dhacay fayraska Corona ay u badan tahay inuu ku dhaco xanuunka maskaxda.

Cilmi baarayaashan oo ka socda jaamacadda Oxford, ayaa ogaaday in xanuunka inta badan saamaynaya maskaxda ee ay ka midka yihiin dhiigga maskaxda ku furma iyo isla hadalka, ay ku badan yihiin dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19 lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Waxa ay sheegeen, in Covid uusan ahayn kaliya fayras dadka ku dhiba neefsashada, balse sidoo kale uu saameyn toos ah ku leeyahay unugyada maskaxda iyo xididdada dhiigga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here