Ciidanka Booliska Degmada Baydhabo oo Soo Saarey Awaamiir La Xiriirta Amniga Maalmaha Ciida.

0
51

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo Gashaanle dhexe Mukhtaar Axmed Ibraahim oo Shir jaraar’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxaa uu Amar ka soo saarey iibinta Waxyaabaha Huka u eg ee caruurta ku ciyaaraan Sida Qoriga oo aan lagu iibin Karin Magaalada Baydhabo asagoona sheegay inay talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ganacaasatadii lagu Arko iyagoo iibinayo.

Dhanka kale Taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo Gashaanle dhexe Mukhtaar Axmed Ibraahim ayaa xusey in qoryaha Caruurta ku ciyaarayaan uu halis ku yahay Amniga Bulshada isagoo Shacabka ugu baaqey in ay Laamaha Amniga la shaqeeyaan.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed Nor War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here