Ciidamada Turkiga oo soo badbaadiyey koox tahriibeyaal ah

0
219

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Ciidamada Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyay koox tahriibayaal oo ku sugnaa badda Aegean ka dib markii ay si sharci darro ah ugu riixeen dhinaca Turkiga ciidamada Giriiga, Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay warkan.

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda ee Turkiga ayaa 29-kii bishii July duubay muuqaalka ciidamada Giriiga oo laba doonyood oo sidday tahriibayaal ah ku riixaya xeebta Cesme ee gobolka Izmir,Iyadoo isla markiiba xaaladda lagu wargeliyay Taliska Ilaalada Xeebaha Turkiga, la na soo badbaadiyay Tahriibayaasha.

Ankara iyo hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqul insaanka ayaa si isdaba joog ah u cambaareeyay dhaqanka sharci darrada ah ee Giriiga ee ah in uu dib u riixo dadka magangalyo doonka ah, iyaga oo sheegay in ay xadgudub ku tahay qiyamka bini’aadantinimo iyo shuruucda caalamiga ah iyada oo khatar gelinaysa nolosha dadka nugul oo ay ku jiraan haweenka iyo carruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here