Ciidamada Mareykanka oo Lagu Amray inay qaatan Tallaalka Covid-19

0
283

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ciidamada Mareykanka ayaa lagu amray in ay qaataan tallaalka Covid-19, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin.
Amarkan ayaa yimi laba maalmood kaddib markii Hay’adda Cunnada iyo Dawooyinka ee FDA ay oggolaasho buuxa siisay tallaalka Pfizer.

Oggolaashaha tallaalkan Pfizer waddada u furaya in inka badan 800,000 oo ka tirsan ciidmada Mareykanka in ay is tallaalaan.
Inkasta oo go’aankani aanu tilmaamin xilliga la dhamaystirayo tallaalka ciidanka, haddan laamaha milaterigu ay si joogto ah u bixin doona warbixin ku saabsan qaadashada tallaalka ee ciidanka Mareykanka.

Arrintan ayaa lagu sheegay in looga gol leeyahay mid muhim u ah in la helo ciidan caafimaad qaba oo diyaarsan sidaa awgeedna Khasab laga dhigay qaadashada tallaalkan.

Milatariga Mareykanka ayaa bixinta tallaalkan u maamuli doona ciidamada ku sugan Mareykanka iyo adduunka oo dhan, iyadoo xubnaha ciidankuna ay sidoo kale dooran karaan halka ay doorbidaan inay iska tallaalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here