Christian Pulisic Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Kooxda Ac Milan.

0
134

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Christian Pulisic ayaa lagu wadaa inuu tijaabada caafimaadka u maro AC Milan 24-ka saac ee soo socda ka hor inta uusan dhamaystirin heshiiska uu ugu biirayo San Siro.

Xiddiga reer America ayaa la filayay in uu ka qayb ahaado xiddigaha ka tagaya kooxda Chelea, waxana ay u muuqataa in ay Ac Milan ku guulaystay tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Chelsea ayaa Ac Milan horay uga diiday 2 dalab laakiin xiddiga ayaa haatan tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda reer Italy si uu u dhamaystiro heshiiskiisa.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay si cad ugu sheegay chelsea in Ac Milan tahay kooxda uu doonayo in uu ku biiro xilli uu iska diiday kooxda Lyon iyo kooxo kale.

Xiddiga Christian Pulisic ayaa kooxda Ac Milan kula biiri doona Ruben Loftus-Cheek kaas oo isna ku biiray kooxda Todobaadkii hore.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa la odhan karaa waxa uu si weyn ugu fashilmay chelsea marka la eego in uu 72 milyan ugu soo biiray kooxda suuqii January ee sanadkii 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here