Chelsea Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Moises Caicedo Laakiin Hal Dhib Ayaa jirta.

0
63

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda chelsea ayaa ku jirta xaalad adag oo ku saabsan baacsig ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Brighton ee Moises Caicedo.

Daily Mail ayaa sheegeysa in Blues ay mar hore heshiis shaqsi ah la gaartay 21-jirka reer Ecuador, kaasoo ah bartilmaameedka ugu sarreeya ee West Londoners xagaagan.

Laakiin Brighton ayaa 100 milyan oo euro doonaysa in ay ku iibiso xiddiga kadib markii 100 milyan wax ka badan laga bixiyay xiddigaha Declan Rice iyo Enzo Fernandez.

Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay bixiso 80 milyan oo euro laakiin Brighton ayaa ilaa haatan diidan in ay aqbasho dalabkaas maadama ay xiddiga aad u qiimeeyaan.

Caicedo ayaa suuqii January ku dhawaaday in uu ka tago Brighton waxana uu ku dhawaa Arsenal laakiin Brighton ayaa diiday in ay iibiso xiddiga wakhtigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here