Chelsea Oo Romelu Lukaku U Soo Bandhigaysa Juventus & Badalkiisa Oo Ay Ka Doonayso.

0
218

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Juventus u soo bandhigayso saxiixa xiddiga Romelu Lukaku si uu uga qayb noqdo heshiiska ay ku doonayaan xiddiga Dusan Vlahovic.

Iyada oo Mauricio Pochettino shaqadiisa bilaaban doona 1 bisha July, maamulka chelsea ayaa bilaabaya in ay shaqo fiican ka qabtaan kooxda.

Chelsea ayaa iska fasaxday xidigaha N’Golo Kante, Edouard Mendy, Hakim Ziyech & Kalidou Koulibaly kadib xilli ciyaareed niyad jab leh.

Lukaku ayaa la rumaysanyahay in uu dalab ka helay horyaalka sucuudiga Laakiin chelsea ayaa doonaysa in ay Vlahovic ku badalato Lukaku.

Xiddiga Lukaku ayaa doonaya in uu ku laabto horyaalka talyaaniga waxana ay chelsea doonaysaa in ay Juventus u soo bandhigto si ay badalkiisa u hesho Vlahovic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here