Chelsea oo rajeyneysa inay dhameystirto afar heshiis ee xoogan suuqa xagaaga ee soo socda

0
395

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa rajeyneysa inay si xoogan u gasho suuqa xagaaga ee soo socda si ay u sameyso saxiixyada saddex ciyaaryahan ee sarsare.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England tababare Frank Lampard ayaa wuxuu go’aamiyay magacyo si ay ugu noqdaan bar-tilmaameed kooxda Chelsea waxaana ka mid ah xiddiga Leicester City ee Ben Chilwell.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in kooxda Leicester City ay dul dhigeen Ben Chilwell qiimo dhan 85 million pounds, waana qiimo aan la bixin karin marka loo fiiriyo duruufaha jira, sababa la xiriira caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Wararka ayaa waxay sidoo kale tilmaamayaan in naadiga Chelsea ay sidoo kale xiiseeneyso xiddigaha kale ee kala ah Kai Havertz, Jadon Sancho iyo Timo Werner, si ay ula saxiixato.

Si kastaba ha noqotee Blues ayaa loolan adag ee ku aadan heshiisyadan saddexdan laacib kala kulmi doonta kooxaha Manchester United, Manchester United iyo Bayern Munich.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here