Chelsea Oo Qorshaynaysa In Ay U Dhaqaaqdo Xiddig Baxsad Ka Ah Man United.

0
68

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Chelsea ayaa ku guda jirta wadahadalo ku saabsan suurtagalnimada saxiixa xiddiga Man United ee Raphael Varane.

Daafaca dhexe ee reer France ayaa u muuqda mid mustaqbalkiisu ka baxsan yahay kooxda Man United isaga oo lumiyay booskiisa joogtada ah.

Sida laga soo xigtay Simon Phillips, xiddigii hore ee Real Madrid ayaa laga yaabaa inuu ka tago United suuqa xagagaa ama Suuqa January.

Varane ayaa ka baxay qorshaha Tababare Erik ten Hag waxana kaydka u fadhiyaa kooxda Man United xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ay chelsea ka war qabto dhaawacyadiisa badan hadana waxa ay u baahanyihiin khibradiisa daafaceed.

Haddii Thiago Silva uu baxo xagaaga, Varane ayaa loo arki karaa inuu yahay bedelka ugu habboon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here