Chelsea Oo Laga Diiday Dalabkii Ugu Horeeyay Ee Ay Ku Doonaysay Badalka Ben Chilwell.

0
472

Lyon ayaa diiday codsigii Chelsea ee ahaa in Emerson Palmieri looga yeero amaahdiisa, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya France.

Blues ayaa si aad ah u doonaysa in ay hesho xiddig ka ciyaara daafaca Bidix kadib dhaawacii Ben Chilwell kaas oo garoomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Emerson ayaa isaga tagay Chelsea xagaagii isaga oo amaah ugu biiray kooxda Lyon kadib markii uu ka baxay qorshaha tababar Thomas Tuchel.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay L’Equipe, Chelsea ayaa la xidhiidhay Lyon si ay ugu qanciso in ay wakhti hore xiddiga uga yeedho amaahdiisa laakiin kooxda Lyon ayaa diiday dalabkaas.

Wararka ayaa sheegaya in ay Lyon xiddiga Emerson u haysato dookh ay kula wareegi karto xiddiga sidaas darteed ayna Blues heshiiska ku darin shardi ay dib ugu yeedhi karto xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here