Chelsea Oo Ka Jawaabay Dalabkii 2-aad Ee Man United Mason Mount.

0
119

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Chelsea ayaa Man United ka diiday dalabkii 2-aad ee ay Red Devils ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga Mason Mount si ay ugu xoojinayaan khadka dhexe ee kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga Mason Mount ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda chelsea waxana uu u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Mason Mount ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man United si uu ugu biiro kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Man United oo horay looga diiday dalab furitaan ah ayaa mar kale Mason Mount ka gudbisay dalab 50 milyan ah laakiin chelsea ayaa isla markiiba diiday dalabka Man United.

Kooxda Man United ayaa wali wadahadalo kula jirta chelsea laakiin waxa ay diidantahay in ay bixiso lacag waali ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here