Chelsea Oo Heshiis Isku Badalasho Ah La Samaynaya Man United.

0
36

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Chelsea ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa Jadon Sancho oo ka tirsan Manchester United ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Sancho ayaa ka baxay qorshaha Man United ilaa haatan 2-dii kulan ee ugu dambeeyay xitaa kama soo muuqan kaydka.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sky Sports News ayaa ku warameysa in Chelsea ay ka fiirsanayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Sancho suuqa xagaagan

 

 

Wararka ayaa sheegaya in ay chelsea heshiiska ku dari doonto xiddigaha kooxdeeda kuwa aan ka mid ahayn qorshaha kooxda.

Saxafiga Gianluca Di Marzio ayaa sheegaya in ay Chelsea heshiiska ku darayso midkood xiddigaha Ben Chilwell & Raheem Sterling.

Tababaraha chelsea ee Enzo Maresca ayaa u sheegay maamulka kooxda in aanay xiddigaha Chiwell iyo Sterling ka mid ahayn qorshihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here