Chelsea Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Xiddig hore Uga Tagi Lahaa Xagaaga.

0
445

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda chelsea ayaa heshiis cusub ka saxiixatay kabtankeeda Cesar Azpilicueta kadib markii ay dhaqan galisay heshiis hal sano ah oo ku jiray heshiiskii uu u saxiixay kooxda isaga oo sii joogi doona kooxda xilli ciyaareedka.

Halka sano ee heshiiska ah ayaa lagu daray markii uu Cesar Azpilicueta saxiixay heshiiskii ugu dambeeyay waxana lagu xidhay in uu heshiisku dhaqan galo marka uu xiddigu kulamo tiro ah u ciyaaro kooxda.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay chelsea shardiga ku xidhay Heshiiska xiddiga ka hor intii aanay xukuumada UK xayirin heshiis kordhinta kooxda chelsea kadib cunaqabatayntii dusha laga saaray milkiilaha kooxda.

Heshiiska ayaa meesha ka saaraya cabsidii laga qabay in uu xiddiga Azpilicueta qaab xor ah uga tago kooxda Inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda chelsea marka la eego in ayna waayi doonin kabtankooda isla markaas muhiimka u ah kooxda xilli ciyaareedkan xilli ay kooxdu u tartamayso koobab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here