Chelsea Oo Guul Weyn Ku Bilaabatay Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
138

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda chelsea ayaa guul weyn ku bilaabatay isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo xasuuqay kooxda Wrexham kulan ay kooxda Premier Legaue ku badisay 5/0.

Xiddiga Ian Maatsen ayaa gool wakhti hore ah u dhaliyay chelsea kadib markii uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 3-aad isaga oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka.

Isla xiddiga Ian Maatsen ayaa soo noqday ka hor dhamaadkii qaybta hore waxana uu daqiiqadii 42-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxnaa uu ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo uu Pochettino is badal ku sameeyay qaybtii dambe shaxdiisa.

waxa uu tababaruhu shaxdiisa soo galiyay xiddigo aan qaybta hore ciyaarin isaga oo fursad siinaya xiddigaha kooxdiisa oo dhan.

Xiddiga khadka dhexe ee Conor Gallagher aaa daqiiqadii 80-ad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ka dhigay ciyaarta 3/0.

Waxa markan shabaqa soo taabtay saxiixa cusub ee Christopher Nkunku kaas oo goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay chelsea.

Waxa soo afjray goolasha xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ben Chilwell kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea guul weyn ku bilaabaay tartanka Florida Cup ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here