Chelsea oo guul soo laabasho ah kaga soo gaartay Manchester City garoonkeeda Etihad

0
251

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Chelsea ayaa guul soo laabasho ah kaga soo gaartay Manchester City garoonkeeda Etihad, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 44-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Raheem Sterling, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Sergio Aguero.

45 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Manchester City ayaa loo dhigay rigoore, balse waxaa ka qasaariyay Sergio Aguero.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 63-aad Chelsea ayaa la timid goolka bar-bardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Hakim Ziyech oo caawin ka helay saaxiibkiis Cesar Azpilicueta.

90+2 kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-2 ka dhigay Marcos Alonso oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Timo Werner.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Manchester City oo ay ku booqatay garoonka Etihad, Blues ayaa haatan soo fariisatay booska saddexaad iyadoo leh 64 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here