Chelsea Oo Doonaysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh Xun Oo Ay Dhigtay 23 Sano Ka Hor

0
102

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Chelsea ayaa rajeyneysa inay iska ilaaliso inay barbareyso rikoodh 23 sano ah marka ay la ciyaarayso kooxda Luton Town kulan ka dhacaya garoonka Kenilworth Road.

Fiidnimadii Arbacada, Blues ayaa dib ugu soo laabatay wadada guusha, iyadoo 2-1 kaga badisay Crystal Palace.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Mauricio Pochettino ayaa wali fadhisa booska 10-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna lix dhibcood ka hooseysaa Manchester United oo ku jirta kaalinta toddobaad.

10 dhibcood oo ay ka heleen afartii kulan ee ugu dambeeyay ee Stamford Bridge ayaa ka caawisay Blues in ay ku jiraan boosaska yurub.

Haddii Chelsea ay guuldarro ka soo gaarto Luton, waxay la mid noqon doontaa guuldarradii ugu dheereyd ee ay ku soo gaarto meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka Premier League tan iyo markii ay shan jeer oo xiriir ah guuldarreysatay intii u dhaxeysay October iyo December 2000 markaasoo uu tababare Claudio Ranieri ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here