Chelsea Oo Diyaarsatay Liiska 3 Xiddig Khadka Dhexe Ah Oo Ay U Doonayso Badalks N’Golo Kante.

0
238

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarsatay liiska 3 xiddig oo khadka dhexe ah kuwaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe kuna badasho xiddiga N’Golo Kante oo dhaawac la dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer France ayaa dhaawac kaga maqnaa chelsea 4-tii kulan ee ugu dambeeyay iyada oo uu xiddigu ka maqnaa Blues bilowgii xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay football.london, Blues ayaa diyaarsatay liis 4 xiddig oo khadka dhexe ku fiican kuwaas oo ay Doonayso in ay ku buuxiso booska Kante.

Wararka ayaa sheegaya in xiddigaha Franck Kessie, Wilfred Ndidi iyo xiddiga Monaco ee Aurelien Tchouameni yihiin xiddigaha ay Blues calaamadsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here