Chelsea Oo Dhigtay Rikoodh Xun Oo Taariikhda England Ah.

0
78

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Chelsea ayaa sameysay taariikh aan fiicnayn ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay finalka Carabao Cup ee Liverpool axadii garoonka Wembley.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar cajiib ah iyada oo labada kooxood ku kala bexeen 120 daqiiqo iyada oo Van Dijk dhaliyay goolka guusha daqiiqadii ugu dambeeyay.

Laakiin waxa ay ahayd fursad wayn oo ay khasaarisay Chelsea marka la eego in ay Liverpool dhaawacyo hadheeyeen kana maqnaayeen xiddigaha Mohamed Salah, Diogo Jota, Dominik Szoboszlai, Trent Alexander-Arnold, Curtis Jones iyo Alisson Becker.

Ryan Gravenberch ayaa ku biiray liiska dhaawacyada kadib makrii laga saaray garoonka sabab la xidhiidha dhaawaca.

Kooxda chelsea ayaa sii waday rikoodhkooda xun ee kulamada final-ka ee tartamada maxaliga ah.

Chelsea ayaa laga badiyay final-kii 6-aad ee maxali ah waana kooxdii ugu horaysay ee taariikhda England laga badiyo 6 final oo tartamada maxaliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here