Chelsea oo dalabkeedii ugu horreyay ka gudbisay Aubameyang

0
191

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Chelsea ayaa maanta oo Talaado ah dalab ka gudbisay weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee “Sport”, Chelsea ayaa soo bandhigtay 15 million euros, marka lagu daro lacagaha gunnooyinka, si ay u hesho adeega Aubameyang xagaagan.

Wargeyska Isbaanishka ayaa tilmaamay in Barcelona ay ku qiyaastay heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang 25 million euros.

Kooxda reer Catalonia ayaa dooneysa inay iska fasaxdo Aubameyang, si loo dhimo mushaarka kooxda, iyo inay ku guuleysato diiwaan gelinta daafaca Faransiiska ee Jules Koundé.

Sidoo kale wargeyska “Sport” ayaa muujiyay in mas’uuliyiinta kooxaha Barcelona iyo Chelsea ay sii wadi doonaan wadahadalada heshiiska Aubameyang saacadaha soo socda.

Xagaagan Chelsea waxaa ka tageen weeraryahanadeeda Romelu Lukaku iyo Timo Werner, halka kan reer Belgiam uu heshiis hal xilli ciyaareed oo amaah ah ugu wareegay kooxda Inter, halka midka reer Germal uu si toos ah ugu biiray RB Leipzig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here