Chelsea Oo Calaamadsatay Badalka Erling Haaland Hadii Ay Ku Fashilanto Saxiixiisa

0
206

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxixia xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Villarreal ee Gerard Moreno hadii ay ku fashilanto saxiixa xiddiga Erling Haaland.

Blues ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara Borussia Dortmund ee Erling Haatan suuqa xagaagan si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Si kasta ha ahaatee waxa la sheegayaa in uu xiddiga da’yarka ah doorbidayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid taas oo Chelsea ku qasbaysa in ay xiddigo kale raadsato.

Sida laga soo xigtay Fichajes, Thomas Tuchel ayaa taageero weyn u ah xiddiga Moreno kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Villarreal xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Xiddiga reer Spain ayaa ku lug lahaa 30 gool iyo 10 caawin tartamada oo dhan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay ku guulaystay tartanka Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here