CHAMPIONS! Xulka Somaliya Ee 17 jirada Oo Ku Guulaystay Koobka CECAFA Zonal Qualifiers

0
140

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xulka qaranka Somaliya ee 17 jirada ayaa ku guulaystay koobka bariga iyo bartamaha Africa 2022 kulan ka dhacay caasimada Itoobiya ee Adiss Ababa.

Xulka Qaranka Somaliya ayaa garaacay dhigooda South Sudan kulan dhinac kaliya ahaa oo uu xulka Somaliya u awood sheegtay xulka South Sudan.

Xulka Somaliya ayaa daqiiqadii 10-aa dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddga CabdiXafiid Cabdi kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulka Somaliya ayaa wixii intaas ka dambeeyay maamulayay ciyaarta iyaga oo ka fiicnaa xulka ka soo hor jeeda.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo xulka Somaliya hogaaminayo kana fiicnyahay xulka South Sudan.

Xulka South Sudan ayaa daqiiqadii 46-aad ee bilowga qaybta dambe dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1/1 ah.

Laakiin xulka Somaliya ayaa isla markiiba u jawaabay iyaga oo maamulayay ciyaarta isla markaas samaynayay fursado cajiib ah.

Daqiiqadii 58-aad ayuu xulka Somaliya dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga  C/Raxiim kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qarankeena

Xulka Somaliya ayaa daqiiqadii 71-aad ciyaarta hurdo u diray iyaga oo dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta kana dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamamaatay ciyaarta oo uu xulka Somaliya ku guulaystay koobka  Isreebrebka 17-jirada bariga iyo bartamaha Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here