Ceeryaamo ka weecisay duulimaadyada diyaaradaha Itoobiya halkii ay ku wajahnaayeen.

0
151

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Diyaaradihii ka degi jiray garoonka diyaaradaha caasimadda Itoobiya ee magaalada Addis Ababa ee Bole ayaa loo weeciyay magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Itoobiya kadib markii cimilada ay xumaatay.

Barta dabagalka xogta duulista, ayaa sheegtay in diyaarado ka yimid magaalooyinka Toronto, Beirut iyo Dubai, si qasab looggu leexiyey iney ka dagaan garoomo kale.

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, ayaa ku nuux nuux satey in duullimaadyo ay aheyd iney kacaan inuu dibu dhac ku yimid, balse ma aysan sheegin duulimaadyada ay arrintan saameysay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartey.

Sanadkii lasoo dhaafey ayaa sidoo kale waxaa hakad galay hawlihii shaqo ee garoonka, kadib markii ay cimilada ay aad u xumaatay, waxaana duulimaadyadii diyaaradda loo weeciyey gobolada magaalada caasimadda dariska la ah, iyo dalalka dariska la ah Itoobiya.

Barta Twitter-ka, ayaa qof rakaab ah wuxuu soo galiyey muuqaal kusaabsan duulimaadkii ay kasoo raaceen magaalada London, kaasoo ku dagay magaalad Awassa ee koonfurta Itoobiya, halkaasoo loo weeciyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here