Cayaaryahan u Dhashay Uganda oo Laga Helay Covid-19

0
218

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Warbaahinta NHK ee dalka Japan ayaa sheegtay in mid ka mid ah cayaartooyda dalka Uganda ee ciyaaraha olombikada kaga qeybgaleysa dalkaas laga helay xanuunka Covid-19.

Warbaahinta aya asheegtay in baaritaan lagu sameeyay kooxda markii ay Japan soo gaadheen Sabtiodii shalay lagu ogaaday in mid ka mid ah cayaartoyda uu qabo xanuunka.

Kiiskan ayaa la sheegay in uu yahay kiiskii ugu horreeyay eel aga helo kooxaha iyo wufuudda dalka Japan uga qeybgaleysa tartanka Olombikada.

Telefishinka Japan ayaa sheegay in 9 cayaartooy iyo tababarahooda oo ka socday Uganda ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha Narita ee magaalada Tokyo  baaritaankii ay mareenna lagu ogaaday in cayaartoyda midkood uu qabo xanuunka Korona.

Cayaaryahanka xanuunsan ayaa la sheegay in haatan u uku suganyahay xarun ay leedahay dowladda Jaoan halka cayaartooydii kale ay u sii dhaqaaqeen magaalada Osaka.

Kooxda ka socota Uganda ayaa ah kooxdii labaad ee ka qeybgalaysa cayaaraha olombikada ee gaadha dalkaas iyada oo ay ka horreysay koox ka socotay Australia oo keliya.

Cayaaraha olombikada Tokyo ayaa furmi doona 23-ka bishan waxayna socon doonaan ilaa 8 August  waxaana la filayaa in ay ka soo qeybgalaan 11.091 cayaaryahan oo ka kala socda 205 dal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here