Casemiro Mise Thomas Partey? Rio Ferdinand Is Bar-Bar Dhig Ku Sameeyay Labada Xiddig.

0
197

Halyeeyga kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay xiddigaha kooxaha Arsenal iyo Man United ee Casemiro iyo Thomas Partey.

Xiddigaha Casemiro iyo Partey ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareed cajiib ah iyaga oo kooxohooda ka caawiyay guulo muhiim ah.

Partey ayaa Arsenal ka caawiyay in ay ilaa haatan hogaaminayso horyaalka premier League isla markaas fure ka ah kooxda Mikel Arteta.

Dhinaca kale Casemiro ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ka soo bandhigay Man United ilaa haatan isla markaas muujiyay in uu u qalmay lacagtii ay United ka soo bixisay.

Rio Ferdinand ayaa ku yiri Vibe with Five:”Ma jirto cid sheegaysa in uuna Partey ahayn ciyaartoy fiican, xaqiiqda ayaa ah in uu yahay xiddig aad u fiican”.

“Waa xiddig fiican, sidaa iska cad waxa uu Arsenal ka caawiyay in ay si fiican u ciyaarto xilli ciyaareedkan waana jecelahay”.

“Laakiin waxa aan aaminsanahay in uu Casemiro ka fiicanyahay marka la eego shaqada uu ilaa haatan u hayo Arsenal iyo khibrada uu leeyahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here