Casemiro, Casadei & Saxiixyada Ugu Waaweyn Ee Ilaa Haatan La Dhamaystiray.

0
142

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Waxa si  Rasmi ah u furan suuqa kala iibsiga iyada oo ay kooxuhu durba bilaabeen xoojinta kooxohooda si ay u dhisaan kooxda ay doonayaan in ay ku ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan xagaaga laakiin xiddiga ayaa si Rasmi ah u noqon doona xiddig ka tirsan kooxda 1 bisha July ee soo socota.

Hadaba kooxda.com ayaa si Update ah halkan ugu soo bandhigi doonta saxiixyada waaweyn ee ilaa haatan la dhamaystiray suuqa kala iibsiga xagaaga.

Casemiro -> Man United:

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Casemiro kaas oo ay saxiixiisa si buuxda ugaal wareegtay kooxda Real Madrid.

Xiddiga 30 jirka ah qalinka ku duugi doona heshiis 4 sano ah iyo waliba hal sano oo dheeraad ah oo uu ku joogi doono Old Trafford.

Saxiixa Casemiro ayaa ah saxiixii 4-aad ee ay samayso kooxda Man United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Cesare Casadei -> Chlsea

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi a u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixeedii 7-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan kaas oo ah Cesare Casadei.

Chelsea ayaa xaqiijisay in ay xiddiga khadka dhexe ee Cesare Casadei kala soo wareegtay kooxda Inter Milan kaas oo ah saxiixeedii  6-aad.

Blues ayaa sidoo kale sheegtay in xddiga reer Italy qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah oo uu ku joogi doono Stamford Bridge.

Sergio Gomez -> Man City

Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sergio Gomez kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Anderlecht kana dhigtay saxiixyadeeda cusub ee suuqa xagaaga.

Man City ayaa Gomez ka saxiixatay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda difaacanaysa horyaalka premier League.

Xiddiga 21 jirka ah ee daafaca Bidix ka ciyaara ayaa noqday saxiixii 4-aad ee ay samayso kooxda Man City suuqa kala iibsiga xagaagan kadib Erling Haaland, Kalvin Phillips & Stefan Ortega.

Marc Cucurella -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Marc Cucurella kaas oo ay kala soo wareegtay Brighton.

Blues ayaa xiddiga Marc Cucurella ka dhigtay saxiixieedii 5-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay saxiixiisa ku garaacday kooxda Man City.

Xiddiga Marc Cucurella ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Stamford Bridige.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here