Caro ka dhalatay $30 milyan oo loo qeybiyey xildhibaanada Uganda, si ay baabuur ugu soo iibsadaan.

0
234

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dowladda Uganda ayaa toddobaadkan lacag ku dhow 30 milyan oo dollar u qeybisay xildhibaanada, si ay ugu iibsdaaan baabuur cusub, taasi oo caro xooggan ka dhalisay dalkan saboolka ah ee sida weyn uu u saameeyeey cudurka coronavirus.

Mid kasta oo ka mid ah 529-ka xildhibaan ee dalkaas ayaa la siiyey 200 oo milyan oo shilling una dhiganta 56,000 oo dollar, si uu ugu soo iibsado baabuur cusub.
“Waa wax aan la aqbali karin in dowladda ay raaxo u iibiso koox yar oo ka tirsan baarlamanka, oo bishii qaataa mushahar dhan $8,000, halka shacabka badankiis aysan awoodin inay noloshooda quudiyaan,” waxaa sidaas tiri Anet Nana oo u dhaqaaqda xuquuqda aadanaha, islamarkaana ah agaasimaha Midowga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Uganaa.

Shaqaalaha xoogsatadaha ah ee Uganda ayaa celcelis ahaan wuxuu bishii mushahar u qaataa 28 dollar, halka macallinka uu qaato 75 dollar.
Uganda, oo ah dal ay ku nool yihiin 45 milyan oo qof, ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey 91,710 kiis oo COVID-19 ah iyo dhimashada 2,496 qof.
Qiyaastii illaa hal milyan oo qof oo kaliya ayaa illaa hadda la tallaalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here