Carlo Ancelotti oo loo magacaabay macalinka cusub ee kooxda Real Madrid

0
757

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Real Madrid ayaa ku dhawaaqday soo laabashada tababaraha reer Talyaani ee Carlo Ancelotti si uu markale u hoggaamiyo kooxda  ilaa iyo xagaaga 2024.

Los Blancos ayaa ku sheegtay war rasmi ah oo ay soo dhigtay website-keeda rasmiga ah:

“Xaflada saxiixa heshiisyada waxaa la qaban doonaa beri, waxaana goobjoog ka noqon doono madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez.”

“Carlo Ancelotti ayaa saxaafada horteeda ka soo muuqan doono 6:00 pm ee waqtiga Spain.” ayaa lagu sheegay bayaanka rasmiga ah ee kooxda Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqday, inZidane uu ka tagayo shaqada tababarka ee kooxda maadaam uu codsaday in la kansalo heshiiska labda dhinac, kaddib markii ay kooxda ku dhameysatay koob la’aan xilli ciyaareedka dhawaan la soo gaba-gabeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here