Cannavaro oo doortay ciyaaryahankii ugu fiicanaa xulka Talyaaniga Koobka Euro

0
284

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Halyeeyga kooxaha Juventus iyo Real Madrid ee Fabio Cannavaro ayaa doortay xiddigii ugu fiicnaa xulka qaranka Italy, intii lagu gudajiray Koobkii Qaramada Yurub ee EURO 2020.

Xulka Qaranka Italy ayaa dhawaan ku guulestay Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020 kaddib markii uu guul kaga gaaray dhigiisa England rigoorayaal 3-2 kulan leysku daalay oo waqti dheeri ah la aaday kaasoo ku dhammaaday bar-bardhac 1-1 ah.

Fabio Cannavaro ayaa u sheegay wargeysyada “Totosport” ee dalka Talyaaniga:

“Lionel Messi waa kan ugu fiican, wuxuuna ahaa geesiga Copa America.”

“Gianluigi Donnarumma waa geesiga dhabta ah ee xulka qaranka talyaaniga, waxaan layaabay kahor Koobka Euro, ugu yaraan qof uun wuxuu moodayay inuu yahay goolhaye caadi ah.”

“Kaliya ka fikir xasiloonida uu haysto 22 jir, wuxuu noqon doonaa goolhayaha ugu fiican 10 ama 15 sano ee soo socota.”

“Waan ku faraxsanahay in Chiellini uu koobka qaaday, waxa uu taagnaa tarabuunka si uu u daawado finalkii koobka adduunka ee 2006, waana la ciyaaray sidoo kale, runtiina waan ixtiraamayaa Giorgio.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here