C/raxmaan C/shakuur Ergeyga Gaarka ah Madaxweynaha JFS Iyo Wefdi Uu Hogaaminaayo Oo Baydhabo Soo Gaarey.

0
404
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa safarkiisi ugu horreeyay tan iyo markii xilkaas loo magacaabey maanta ku yimid magaalada Baydhabo ee xaruunta maamulka KG.
Ergeyga waxaa safarka ku wehliyey ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula ayadoona ujeedka socdaalka ergeyga iyo ku xigeenla Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uu ku qotoma u kuur galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen ee ku nool degmada baydhabo ayagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay xeryo barakac oo ku yaalla magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo.
Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ku soo barakaceen dadka ugu badan ee ay xoolihii iyo beerihii noloshoodu ku tiirsanayd abaaruhu waxyeeleeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here